(Sawirro) Axmed Madoobe oo la kulmay Saraakiil & Waxgarad ka soo horjeeday

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed ayaa maanta kulan la qaatay Janaraal Cabdi Mahdi iyo Nabadoon Cali Xuseen Nuur Cali Dheere oo kamid ah waxgaradka Jubbaland isla markana kamid ahaa dadka Madaxweynaha kaga aragtida duwanaa Arimaha Siyaasada.

Sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Jubbaland, Kulankan ayaa ka mid ah dadaalada Madaxweynahu uu Ku dhagaysanayo aragtiyada Bulshada iyo fikradaha kala duwan ee wax dhisaya waxaana lagaga wada hadlay sidii looga shaqayn lahaa Midnimada iyo wadajirka Dadka Reer Jubbaland isla markana meesha looga saari lahaa kala aragti duwanaan xagal daacin karta Horumarka ay hiigsanayaan dadka reer Jubbaland.

Waxaa kulankan ka qaybgalay Masuuliyiin heer Federaal ah oo uu kamid yahay Xildhibaan Cabdirashiid Xidig iyo Xildhibaano Wasiir Ganacasato iyo Sarakiil katirsan Jubbaland.

Gabagabadii waxaa la isku raacay in la joogteeyo wada hadalada iyo kulamada ay kasoo bixi karaan aragtiyo wanaagsan oo lagu hormarinayo Dowladnimada Jubbaland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -